Waxaa saakay xaalad daganaano ah laga dareemayaa deegaano hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo shalay dagaal xoogan uu ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.
Dagaalkaas dhacay ayaa waxaa uu salka ku hayaa Arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, waxaana dagaalkaas uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Filla dheere oo ku yaalla waddo muhiim ah oo marin u ah deegaano dhowr ah oo hoostaga Warsheekh.
Inta la xaqiijiyay Afar ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay Filla dheere, mana jiro Khasaaro dhaawacyo ah oo lasoo weriyay, waxaana inta uu dagaalka socday adkeyd in aaga laga Agdhawaado, maadaama la isdhaafsanayay hub Culus.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in saaka xaalada ay degan tahay, isla markaana aan la maqleyn wax rasaas ah, hayeeshee ay weli is hor-fadhiyaan Maleeshiyaadkii dagaalamay.
Dhinaca kale Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda labada dhinac ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, waxaana Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe uu wadaan dadaalo lagu soo afjarayo Colaada soo cusboonaatay.
Dagaalka beeleedka ka dhacay deegaanka Filla dheere ayaa waxaa uu yahay mid dhowr jeer soo noq-noqday, isla markaana kal horey Maleeshiyaadka heshiis la kala dhex-dhigay, balse ugu dambeyn markale uu dagaalka bilowday.