Dad loo xir xiray dilkii Teysiir Cumar Food

Waxaa weli ay xiisad ka taagan tahay magalada Qabri Dahare ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya halkaas oo Jimcihii lagu dilay Gabar ka mid ah dadka magalada.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Teysiir Cumar Food ayaa la sheegay in ay u dhaq dhaqaaqi jirtay arrimaha xaquuquda haweeenka ‘waxaana dilkeeda lagu eedeeyey Ciidamada liyuu boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Shacabka qaar ee magalada qaarkood ayaa sameeyey kacdoon ay ugasooo horjeedaan dilkii dhacay’iyaga oo sameeyey banaanbax’waxaana muuqaalo lasoo duubay lagu arkayay ciidamada oo dadka kacdoonka wada rasaas ku ridaya.

Sidoo kale ciidamada ayaa waxa ay xabsiga magalada Qabri Dahare ay dhigeyn in ka badan 700 oo ruux kuwaas oo badankood ah ehelada gabadha.

Xaalada magalada ayaa waxaa xiligaan laga dareemayaa kacdoonka ay sameynayaan shacabka iyaga oo ka xun dilkaasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor