Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer amni ku tegay xalay Degmada Hurwaa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo uu wehlinayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay waxa ay kormeer ku tageen Xaafado ka tirsan degmada Hurwaa ee gobolka Banaadir.

Kormeerkaan oo ay sameeyeen xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya iyo qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda ayaa xalay intii u kormeerka socday waxa ay xaqiijinayeen amniga Xaafado ka tirsan Hurwaa iyo waliba Wadooyinka,iyada oo kormeerka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo masuuliyiintii la socotay uu ahaa mid amniga loogu kuur galayay.

Xarunta Maamulka degmada Hurwaa ayuu Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale kormeeray,isaga oo halkaasi Saxaafada uga warbixiyay kormeerka uu sameynayo iyo ujeedka laga leeyahay.

“kormeerkeena waxa uu muujinayaa in dalka uu Nabad yahay waayo xili habeen saqdhexe ah ayaan joognaa hurwaa waxaana taasi ku mahadsan ciidamada oo sugaya amniga,waxana leeyahay halasii xoojiyo waayo shacabka idinka ayay idinku jiifaan idinkuna toosaan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kheyre”

Sikastaba kormeerka Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya uu xalay ku tegay Xaafado ka mid ah degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir ayaa ka baaqday 14-kii Bishaan kadib markii dalka ay ku soo kordheyn mowjado Siyaasadeed taas oo sababtay in ay soo baxaan mooshino isdaba-socda.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiintii la socotay.

About Radio Dalsan Reporter

View all posts by Radio Dalsan Reporter