Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay Is-qarxiun ay Kooxda Dacaish la beegsadeen Xaflad Aroos oo ka socotay Tuulladda Talk Tawiil ee Gobalka Hasakah ee W/bari ee dalkaasi.
Xubin ka tirsan Ciiddanka Dimuqraadiyadda Syria (The Syrian Democratic Forces (SDF) ayaa la sheegay inuu dhigtay Xafadaasi uu ku guursanayey gabar ay is-calmadeen, waxayna Lammaanahaasi ka badbaadeen Is-qarxintaas lagu khaarijin lahaa.
Dhinaca kale, Kooxda Daacish ayaa sheegatay inay qaraxaasi ku beegsadeen Kualn ay lahaayeen Ciiddan ka soo jeeda Kurdishka.
©Radio Dalsan