Hadal Waaberigii hore ee saakayto ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa lagu sheegay in toogasho lagu dilay Maxamed Kamaal oo 61-jir ah, kana mid ahaa Madaxda Sare ee Garabka Milliteri ee Ururka Akhwaanul-muslimiin ee laga mamnuucay dalkaasi.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Hawlgal lagu qaaday Dhismo ku yaalla Xaafadda Basatiin ee magaalladda Qaahira, kadib, markii la ogaaday inay Madaxda Ururkaasi u tahay Xarun Dhexe oo ay ku shiraan.
Waxay kaloo Ciiddanka Ammaanka Masar dileen Hoggaamiye kale oo lagu magacaabo Yaasir Shaxaata, oo horey isagoo maqan loogu riday xukun 10-sanno ah.
Ururka Akhwaanul-muslimiin oo ah Dhaqdhaqaaqa ugu da’da weyn Islaamiyiinta Bariga Dhexe, balse waxaa dalka Masar laga mamnuucay, kadib, markii Madaxweyne Maxamed Mursi xilka laga tuuray sannadkii 2013-kii.
©Radio Dalsan