Dad ku naf-waayay Dhul-gariir ku dhuftay Tajikistaan

Shan qof ayaa ku geeriyootay Dhul-gariir ka dhacay Bariga dalka TAJIKISTAAN ee Bartamaha Qaaradda Aasiya.

Afhayeenadda Guddiga Grurmadka Degdegga ee dalkaasi, Umeda Yusufi ayaa sheegtay in 2 dhul-gariir laga dareemay Ubucda Dhul-gariirka saakayto laga dareemay Deegaan dhanka 165 KM dhanka W/bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Dushanbe, halka Dhul-gariirka kale uu ka dhacay Degmdda Rashti.

Waxay sheegtay in Halbeega labada dhul-gariir uu kala ahaa 6.0 iyo 3.0 Rektar Iskeel, iyadoo ay 5 qof ku geeriyootay Masiibadaasi, halka ay 19 guri ku burbureen.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Tajikistan, Emomali Raxmoon waxa uu amray in la magacaabo Guddi uu Madax ka yahay Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, si ay gurmad u gaarsiiyaan dadka ay waxyeellddu soo gaartay iyo in laga qeyb galo dib-u-dhiska guryaha burburay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor