Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, tobaneeyo kalena wey ku dhaawacmeen shil gaari oo waaberigii hore ee saaakayto oo Isniin ah ka dhacay Tuulladda Tula oo u dhexeysa Degmooyinka Bangal iyo Garissa ee W/bari ee dalkaasi.
Bas ay la socdeen in ka badan 60-qof, kana soo ambabaxay xalay Degmadda Wajeer ayaa la sheegay inuu ku dhacay Gaari Tareel oo waday shixnad shamiinto ah, wuxuuna burbur xooggan ka soo gaaray daaqadaha iyo saqafka sare ee baska.
8 ka mid ah dadka ku geeriyooday shilkaasi waxay la socdeen Baska, halka 3 kalena la socdeen gaariga Tareelka.
Dadka ku dhawaacmay shilkaasi waxaa loo qaaday Isvitaalka Guud ee Garissa iyo Xarumaha kale ee Caafimaadka ee ku yaalla TuulladdaTula oo u dhow Degmadda Bangal.
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka W/Bari Kenya, Maxamed Birik waxa uu sheegay inuu shilkaasi dhacay, kadib, markii uu Bas ay lahayd shirkadda Gaadiidka ee Sabriin fool-ka-fool ugu dhacay Gaariga Tareelka ee waday Shixnadda shamiintada.
Waxa uu intaasi ku daray inay wadaan baaritaanka sababaha dhaliyey shilkaasi, isagoo nasiib-xumo ku tilmaamay tirada badan ee dadka ku geeeriyooday, kuna dhaawacmay shilkaasi.
Xafiiska Shirkadda Gaadiidka ee Sabriin ee magaalladda Wajeer waxay xaqiijiyeen inay 11 qof ku geeriyootay shilkaasi, wuxuuna Baska ku sii jeeday magaalladda Nairobi.