Dad barakacayaal ah oo ku dhintay Derbi kusoo dumay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dad barakacayaal ah oo kunool Kaam ku yaalla deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho oo xalay uu kusoo dumay derbi weyn oo ay Ag-daganaayeen.

Debiga soo dumay oo ahaa dhismo horey ayaa ku dhex yaalla Kaam lagu magacaabo Al-cadaada ee deegaanka Garasbaaleey gaar ahaan agagaarka Jaamacadda Shabeelle, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in Lix ruux ay halkaas ku geeriyoodeen oo 4 kamid ah ay ahaayeen dad isku qoys ah, xili ay hoos jiifeen derbiga soo dumay, isla markaana waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo la geeyay Isbitaalka Madiina.

Dad shacab ah oo ka agdhawaa Kaamka ay deganaayeen Barakacayaasha ayaa tegay goobta, iyagoo Debiga soo dumay kasoo hoos bixiyay Meydadka dadka geeriyooday, waxaana la tilmaamay in burburka dhimaha uu sababay roobabkii ka da’ay Caasimadda.

Dadka degan deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho ayaa saaka aad u hadal haaya dhacdadaan xanuunka badan, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ay sheegayaan in haatan ay socoto qaban-qaabada lagu aasayo dadkii dhintay.

Magaalada Muqdisho iyo duleedka ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay lasoo dhaafay ka da’ayay roobab xoogan, kuwaasi oo ay sameeyeen qoys danyar oo ku kala sugan Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor