Dacwad oogaha militariga Libya oo ka hor yimid Musharaxnimada Wiil uu dhalay  Qadaafi

Dacwad oogaha militariga Libya, Mohamed Gharouda, ayaa ka codsaday guddiga doorashada dalkaasi inay joojiyaan musharaxnimada madaxweyne ee Saif al-Islam Gaddafi.

Waxa uu Axaddii lagu dhawaaqay in wiilka labaad ee uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalkaasi, Mucamar Al-Qadaafi, uu gudbiyay dukumeentiyadii lagama maarmaanka u ahaa inuu u tartamo Madaxweyne.

Laakin warqad uu u diray guddiga doorashada, Mr Garouda wuxuu ku sheegay in maadaama Saif al-Qadaafi lagu eedeeyay falal dambiyeed, ay qasab tahay in dalabkiisa madaxtinimo “la joojiyo ilaa baadhitaanka laga soo gabagabeynayo.”

Qadaafi ayaa waxaa weli baadi goobaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo uu galay sanadkii 2011-kii, xilligaasi oo aabihii lagu qasbay xukunka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor