Dab xoogan oo xalay ka kacay Cusbitaalada Madiina iyo Banaadir

Dab xoogan oo khasaare badan dhaliyay ayaa xalay qabsaday Cusbitaalada Madiina iyo Banaadir oo ka mid ah Cusbitaalada bixiya adeegsayada caafimaad ee la siiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Cusbitaalka Banaadir ayuu dabka qabsaday markii xalay fiidkii waxaana la sheegay in qeybta keydka daawooyinka uu burburiyo inkastoo aysan jirin khsaare nafeed oo uu dabka halkasi ka geystay.

Sido kale xalay saqdii dhexe waxa uu dab kale qabsaday Cusbitaalka Madiina oo ah kan imminka bixiya adeegyada ugu badan ee dhinaca caafimaadka.

Weli si rasmi ah uma cadda khasaaraha dabka uu ka geystay gudaha cusbitaalka balse goob joogayaal ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay koronto ku jirtay Cusbitaalka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor