Dabkaan ayaa waxaa uu fiidnimadii xalay ka kacay goob Ganacsi oo ku taalla Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho dhinaca xiga degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir, waxaana laga helayaa faah faahino.
Dad ku sugnaa goobta xiligii uu dabka kacayay ayaa waxaa ay ku warrameen in dabkaas uu ka kacay Dukaan lagu iibyo raashin iyo agayo kale, iyadoona dabka uu socday muddo kooban.
Waaxda dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir oo goobta tegay ayaa ku guuleystay deminta dabkaas kacay, isla markaana laga hortegay inuu kusii faafo goobo Ganacsi kale oo ka agdhawaa halkaas.
Khasaaro kooban oo hantiyadeed ayaa ka dhashay dabkii ka kacay Dukaanka ku yaalla Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho dhinaca xiga degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir, mana jiro khasaaro kale oo ka dhashay.
Maalmo kahor ayey aheyd markii dab xoogan uu ka kacay kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan oo markii dambe kusii faafay goobo kale oo Ganacsi, waxaana dabkaas uu dhaliyey khasaaro hanti oo farabadan.