Daawo:- Muuqaal laga soo duubay Diyaaradda Turkish Airlines oo ku degi weysay Garoonka Muqdisho

Mudo laba Maalin ah waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaaada Muqdisho ku degi weysay Diyaaradda Turkish Airlines,taas oo rakaab ka soo qaaday Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Sababo la xiriira dabeylo farabadan oo jira ayaa lagu micneeyay in ay diyaaradda ugu degi weysay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cade ee Magaalada Muqdisho taas oo keentay in tiro dhowr jeer ah ay dib ugu laabato Magaalada Mombasa.

Hadaba mid kamid ah Rakaabkii saarnaa Diyaaradda oo lagu magacaabo Maxamed Shaakir ayaa ka duubay Muuqaal iyadoo Diyaaraddu ay degi la’dahay oo ay Hawada ku jirto.

HoOS Ka Daawo Muuqaal uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media