Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).
Guddoomiyaha ayaa kasoo amba-baxay Magaalada Dhuusamareeb oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa waxaana magaaladaas uu kaga qayb galay shirka Dhuusa-Mareeb 3 oo Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug lagu soo gaba-gabeeyay.
Guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaasha degmooyinka iyo agaasimayaal katirsan dowlada hoose Xamar ayaa garoonka kusoo dhaweeyay duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish.