Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay sharciga Jinsiga oo dhawaan Golaha Shacabka Baarlamanka Dowladda Federaalak Soomaaliya ay diideen in laga doodo.
Kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay Culimmadu si kulul uga hadleen sharcigaas, waxaana kulanka qaban qaabiyay Golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah Culimada oo kulanka ka hadlaya yaa sheegay in Sharcigani uu yahay mid la doonayo in diinta iyo dhaqanka Soomaalida lagula dagaalamo, waxaana ay sheegeen ay muuqato saan saan lagu doonayo in uu dalka ka dhaqan galo sharcigaasi, inkastoo Guddoonka Baarlamaanka ay diideen in sharcigaas la keeno fadhiga xildhibaanada Golaha Shacabka.
Sharcigaan ayaa hadal hayn badan ka dhex abuuray Bulshada Soomaaliyeed, waxaana si weyn dhaliil loogu jeediyay Wasiiradda Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul iin-saanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sharcigaan la sheegay in ay soo diyarisay.