CPJ oo ugu baaqday Maamulka Somaliland inay laalaan dacwadaha loo haysto Suxufiyiin 

Hadal qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta (The Committee to Protect Journalists) ayaa loogu baaqay Maamulka Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan uga laabtaan dhamaan Dacwadaha ka dhanka ah Suxufiyiinta, isla markaana hubaal laga dhigo inay Suxufiyiinta u gudan karaan Hawlahooda iyagoo aan wax baqdin iyo caga-juglayn loo geysanin.

Hay’adda CPJ oo Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladd New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 3 Saxafi oo ka hawlgala Somaliland la filayo in maanta la soo taago Maxkamadda Hargeysa, halka Weriye kale la xiray toddobaadkii hore, iyadoo aan wax dacwad lagu soo oogin.

Guddoomiyaashaha Wargeyska XogOgaal, Muuse Jaambiir, Wargeyska Hubsad, C/rashiid Nuur iyo Tifaftirihii hore ee Wargeyskaasi, Saciid Khadar C/llaahi ayaa maanta ka soo muuqanayo Maxkamadda Gobalak Hargeysa, iyagoo lagu eedeynayo inay daabaceen Warar been abuur, aflagaadeeyeen Madaxweyne Silaanyo iyo inay ceebeeyeen Xaakiisa iyo inuusan Wargeyska Hubsad lahayn Fasax Ruqsad uu ku shaqo galo.

“Maamulayaasha Somaliland waxay horey u xireen Wargeysyadda XogOgaal iyo Hubsad, waxayna haatan doonayaan inay xiraan kuwa mas’uulka ka Wargeysyadaasi” sidaas waxaa yiri Cilmi-baaraha XPJ ugu qaabilsan Afrika, Kerry Paterson.

Sidoo kale, Boliska Somaliland, waxay bishan 13-dii xireen Weriye Maxamed Cumar Jaray oo u shaqeeya Shabakadda Wararka Borama News, kadib, markii uu Weriye soo duubay Muuqaal Video oo uu dadka ku weydiinayey inay ku luqeeyaan Astaanta Muusikadda ee Somalila iyo Somaliland.

CPJ waxay sheegtay inay Radio Dalsan oo ku yaalla Muqdisho ka soo xigteen in Inta badan dadkii la wareystay sheegeen inay xafidsan yihiin oo keliya Astaanta Jamhuuriyadda Somalia oo aysan aqoonin Heesta Astaanta u ah Somaliland.

Hay’adda CPJ waxay ugu baaqday Maamulka Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan u soo daayaan Weriye Maxamed Cumar Jaray.

Ugu dambeyn Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta (The Committee to Protect Journalists) waxay sheegtay inay diiwaan-gelisay Kiisaska dhowr Saxafi oo loo xiray shaqada ay ka hayaan gudaha Somaliland.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor