Col. Gabre oo la xiray iyo Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay

Waxaa Xabsiga loo taxaabay Colonel Gebregziabher Alemseged oo dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan Colenel Gabre,kaas oo ahaa taliyihii Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

Colenel Gabre  ayaa waxaa loo heystaa dambiyo la xiriira ku xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Itoobiya oo uu qeyb ka ahaa,iyo si lamid ah banaanbaxyadii dhimashada sababay ee ka dhacay Magalada Jigjiga.

Waxyaabaha kale ee lagu soo eedeeyay Colenel Gabre ayaa waxaa ka mid ah inta uu Soomaliya ka howlgalayay in uu hub farabadan ka iibiyay dhinacyadii xilliyadaas isku haayay Siyaasada dalka Soomaaliya.

Colenel Gabre  ayaa mar soo noqday lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD,hayeeshee waxa laga ceyriyay Bishii June ee Sanadkaan.

Dhinaca kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay tallaabada lagu xiray Colenel Gabre,waxana qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka.Agaasimaha  Warfaafinta Madaxtooyada Cabdi Nuur Maxamed Axmed ku sheegay in tani ay muujineyso sida Dowladda Itoobiya uga go’an tahay xasiloonida Siyaasadeed ee wadamada Geeska Afrika

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor