Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay xarigga koloneyl Gabre

Iyadoo xabsiga la dhigay Col. Gebregziabher Alemseged balse dadka Soomaaliyeed u yaqaaniin Koloneyl Gabre, ayaa war ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu baahiyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa tilmaamay inay dowladda federaalka ah la dhacsan tahay xabisga loo taxaabay Gabre, oo caan ka ah Soomaaliya.

Warka oo la soo dhigay tirsiga Twitter-ka ee Cabdin-nuur Maxamed Axmed ayaa lagu yiri. “Waa akhbaar wanaagsan in Itoobiya lagu xiray Koloneyl Gabre oo xumaan ku caanbaxay.  Waa nin muddo dheer ku lug lahaa oo faragelin iyo xasillooni-darro ku hayay Soomaaliya. Xariggiisu waxa uu muujinayaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay deganaanshaha geeska Afrika”.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay soo vaxeen warar tibaaxay in codsiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu xiray kolneyl Gabre, laakin Dalsan Media Group ma xaqiijin dhabnimada sheekadaasi.  Geesta kale, gudaha dalka federaalka ah ee Itoobiya ayaa waxaa socda tallaabooyin lagu beegsanayo saraakiisha maamulladii Zenaawi iyo Desalin, gaar ahaab kuwa lala xiriiriyay tacadiyada xuquuqda Aadamaha.

Koloneyl Gabre, tacadiyada loo heysto waxaa ka mid noqon kara xad-gudub xuquuqda Aadamaha iyo ku lugyeelashada dibadbaxyadii qalalaasaha watay ee ka dhigay meelo ay ka mid tahay magaalada Jigjiga.

Koloneyl Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya soo galay sannadkii 2007, ayaa mar kasta ku lug lahaa arrimaha gudaha balse bishii June ee sannadkan ayaa laga eryay la-talintii IGAD ee arrimaha Soomaaliya

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor