Ciiddanka Kenya oo ka hadlay Khasaarihii ka soo gaaray weerarkii ay Alshabaab kula galeen Jubbooyinka

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Kenya, David Obonyo oo la hadlayey Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa xaqiijiyey inay saddex Askari kaga geeriyoodeen weerar jidgal ama Ambush ah oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadeen Kolonyo Milliteriga Kenya oo marayey Deegaanka Taabto ee Gobalka J/hoose.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in ciiddankaasi jidka loo galay, xilli ay socod ilaalo ah ku jireen.

“Saddex Askari oo si xun u dhaawacmay ayaa geriyooday, halka 8 kalena ay soo gaareen dhaawacyo, xaalladoodana ay deggan tahay” ayuu yiri Afhayeenka oo qiray inay Ciiddanka dhibaato kala kulmaan roobabka xooggan ee ka da’ayo Somalia.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Kenya, waxa uu tilmaamay inay arrin caadi tahay in lala kulmo weeraradda jidgalka ama Ambushka, isla markaana ay caddowga ku weerari karaan xilli kasta.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa mar kale sheegay inay Ciiddankiisa ka bixi doonin Somalia, ilaa ay deganaansho iyo nabad buuxda ka curato Somalia.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladaha kale ee qeybta ka ah Hawlgalka ka ah AMISOM kala shaqeyn doonaan sidii Alshabaab looga guulaysan lahaa, waa sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Uhuru waxa uu ka hadlay weeraradii ay Alshabaab dhawaan ka geysteen Kenya, wuxuuna xusay inaysan falalkaasi niyad-jab u keeni karin doorka ay Kenya ku taageerayaan Dowladda Federalka Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor