Maamulayaasha dalkaasi ayaa sheegay in la xoojiyey Ammaanka magaalladda Mombasa, kadib, markii ay heleen warar dhinaca Sirdoonka oo sheegaya inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay weeraro geystaan inta lagu guda-jiro Dabaaldegga Xilliga.
Guddoomiyaha Gobalka Mombasa, Nelson Achoki ayaa sheegay in sababaha loo adkeeyey Ammaanka tahay si loogu hortago weeraradda mustaqbalka laga filan karo Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray in Ciiddamo Bolis oo fara badan loo daad-gurteeyey Xarumaha muhiimka ee la filan karo inay Alshabaab soo beegsadaan, wuxuuna farta ku fiiqay in la adkeeyey Ammaanka Garoonka Diyaaradaha iyo Xarumaha laga Dukaameysto ee ku yaalla Mombasa.
Nelson Achoki waxa kaloo uu tilmaamay in la sameeyey Xarun Talis oo xiriiriya Hawlgalladda Ammaanka, kana jawaaba shil kasta oo lala kulmo.
Tallaabadaasi ayaa timid, kadib, markii uu Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet uu soo saaray Digniino uu ku sheegay inay Xarakadda Alshabaab iyo Kooxda Daacish qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan Gobalka W/bari ee Xuduudka iyo magaalladda Mombasa.
Dhinaca kale, Boliska Kenya waxay weli baadi-goobayaan Dagaalyahano ka tirsan Jaysh Ayman ee ka tirsan Xarakadda Alshabaab, kuwaasi oo ka hawlgala dhulka Kaymaha ee Boni Forest ee Laamu.
Sirdoonka Kenya ayaa horey u sheegay inay 4 dagaalyahan oo ka tirsan Jaysh Ayman bishii hore ee November 7-dii soo gaareen magaalladda Malindi, kuwaasi oo ka soo dusay xuduudka, si ay fuliyaan weerar ka dhaca gudaha Kenya, waa sida hadalka loo dhigay.
©Radio Dalsan