Ciiddanka Dowladda oo ay kuwa Isbahaysiga Raashiya taageeryaan ayaa la sheegay inay Kooxda Daacish ka saareen magaalladda Taariikhiga ee Tadmuur ama Palmyra oo ay Kooxdaasi haysteen tan iyo bishii December ee sannadkii hore.
Warbaahinta Ururka Xisbullaahi Lubnaan ayaa mar sii horeysay baahiyey inay Ciiddanka Dowladda Syria iyo Isbahaysigood dib u qabsadeen Galbeedka magaalladda Tadmuur ama Palmyra, oo ay ku yaaleen Dhismooyin Qadiimi ah. Inkastoo la burburiyey.
Ciiddanka Dowladda Syria waa markii Labaad ee ay dib u qabsadaan magaalladaasi, waxayna bishii Maarso ee sannadkii hore ka saareen Kooxda Daacish, inkastoo ay Kooxda dib u qabsadeen bishii December ee isla sannadkii hore.