Ciiddamo Kenyan oo loo daad-gureeyey Xuduudka Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobalka W/bari ee dalkaasi, Maxamed Birik ayaa sheegay inay Ciiddamo ilaalo ah dhigeen Xuduudka, si ay uga hortagaan inay Alshabaab u soo gudbaan gudaha Kenya, xilli ay  weeraro is-xigxigay ka dhaceen dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddankaasi ilaalo joogto ah ku mari doonaan Deegaanadda ku teedsan Xuduudka Somalia, si loo xoojiyo Ammaanka iyo dhismaha Derbiga Xuduudka ee looga hortegi doono weeraradda Alshaabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka W/bari ee Kenya, Maxamed Birik waxa uu tilmaamay in Ciiddanka Kaydka ee Boliska iyo ciiddamo dhawaan laga qoray Deegaanadda ku dhow Xuduudka ay qeyb ka yihiin dadaalka ay Hay’addaha Ammaanka ku xoojinayaan La-dagaalanka Alshabaab iyo inay ilaalo ka qabtaan Dhismayaasha Dowladda iyo goobaha laga qeybiyo biyaha, waa sida uu hadalka u dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media