Ciidamada Ururka 260-aad guutada 9-aad qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga iyo kuwa Midowga Afrika gaar ahaan Itoobiya ee ATMIS ayaa Maanta howlgalo ka sameeyay Wadada isku xirta Wajid iyo Burdhuxunle ee Gobolka Bokool ee Maamulka KGS.
Howlgalkaan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha degmda Waajid Maxamed Yuusuf Cali ayaa waxaa lagu sheegay inuu ujeedkiisa ahaa xaqiijinta amniga wadada isku xirta Wajid iyo Burdhuxunle, kaasi oo lagu arkay xubno ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Ururka 260-aad guutada 9-aad qaybta 60-aad ee ayaa sheegay in howlgalkaan ka dhan ah Al-shabaab uu sii socon doono, isla markaana lagu doonayo in Shabaabka looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.
Maalmo kahor ayey markii Ciidamada qeybta 60-aad ee Xoogga dalka ay howlgal waddo furis ah ka sameeyeen waddooyinka isku xira degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere oo Gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan.
Al-shabaab ayaa sanno badan Goโdoomiyay waddooyin isku xira degmooyin ka tirsan Gobolada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socday howlgalo lagu furayo waddooyinkaas.