Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ciidanka lagu soo wargaliyay in ay ku sugnaayeen deegaan u dhaw Bariire.
Ururka 143aad ee Ciidanka Xooggga dalka ayaa weerar ku qaaday Al-shabaab, waxaana saraakiisha xoogga dalka ay sheegeen in dadka degaanka ay ku wargaliyeen in xubno ka tirsan Al-shabaab ku sugan yihiin degaanka, iyadoo tuulooyin hoostaga Bariire kaga qaadayay dadka Lacago baad ah waasida ay hadalka u dhigeen Saraakiisha Ciidanka Dowladda.
Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan isla markaana lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab
Dhamme Axmed xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 12 ka tirsan Al-shabaab, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ay kaga hadlayaan dagaalka la sheegay in uu ka dhacay degaanka bariire.