Ciidanka Booliska Dowladda Kenya ayaa lasoo sheegaya in ay Xabsiga u taxaabeen Barasaabka ismaamulka Garissa, xili dhawaan ay maxkamadda dalkaasi amar ku bixisay in lasoo xiro.
Ciidanka Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Barasaabka, waxaana la sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin kale oo maamulkiisa ka tirsan, kuwaas oo laga yaabo in ay ku lugleeyihiin waxyaabaha lagu soo eedeyay Mas’uulkaas.
Cali Bunow Qorane oo ah Barasaabka ismaamulka Garissa ayaa lagu soo eedeyay musuq-maasuq, waxaana la sheegay in uu horay u lunsaday lacag aad u farabadan oo loogu talagalay in lagula tacaalo caabuqa Covid19, waxaana sido kale u dheer intaaass in ay jiraan waxyaabo kale oo isdaba marin uu ku sameeyay sida ay sheegeen saraakiisha Booliska Gaarisa.
Maxkaamd ku taala dalka Kenya ayaa horay u amartay in lasoo xiro Cali Buunoow isaga iyo xubno kale.