Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo Al-shabaab ka tirsan+Warsaxafadeed

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay in ay gacanta ku hayso Liibaan Xaaji Maxamed oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kaas oo dhowaan hay’adda Mareykanka u qaabilsan Sirdoonka gudaha ee FBI ay sheegtay in ay ku dartay liiska kooxaha Argagaxisada ah isla markaana Madaxiisa ay dul dhigtay lacag dhan 50,000 (Konton Kun) oo dollar.

Liibaan oo ah Soomaali American ayaa wuxuu ku dhex-jiray Dagaalamayaasha Al shabaab oo uu katirsanaa, waxaana Dowladda Mareykanka ay ku eedeysay inuu Taageero siin jiray Al shabaab, sidaasi darteedna Halis ku yahay Amnigeeda.

Hay’adda Amniga Soomaaliya iyo Sirdoonka Mareykanka ayaa mudo Maalmo ah Dusha kala socday Dhaq-dhaqaaqa Liibaan, oo la sheegay in markii uu kasoo safray Gobolada Jubbooyinka oo kusii jeeday Muqdisho ay qabteen.

Liibaan oo 29 Jir ah ayaa wuxuu haystaa Dhalashada Dalka Mareykanka, wuxuuna ku noolaa oo Tagsiile ka ahaa Waqooyiga Magaalada Virginia ee Gobolka Washington, waxaana markii danbe lala xariirinayay inuu Tababaro siiyo Dhalinyaro oo uu usii diri jira Al shabaab.

Dawladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in maanta wixii ka dambeeya Al-Shabaab loo aqoonsaday Magaca UGUS. (Micnaha UGUS)
NISA waxay Ku dhawaaqday in Al-Shabaab loo isticmaalo Magaca ah UGUS oo laga soo gaabiyay Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed. Waxaana Magacaasi uu ka turjumayaa Afcaasha Kooxda Al-Shabaab oo ka caado yeelatay Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed. iyadoona Magacaana uu noqonaya kan Rasmiga ah ee ay Dawladda Soomaaliya u taqaano Kooxda Gumaadka ee isku taqaana iyadu Al-Shabaab.

UGUS waa Koox aan oggolayn Qaranimadda Soomaaliya, isla markaana ku shaqaysa Afkaar Shisheeye oo aan Shareecadda Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalidda waafaqsanayn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor