Ciidanka Kumaandooska Gor Gor oo Sheegay inay dileen xubin sare oo AL-Shabaab ka tirsan

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ururka Saddexaad iyo Ciidanka degaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen galbeedka Xarardheere waxaa ay sheegeen inay ku dileen xubin sare oo Al-Shabaab iyo dagaalamaayal la socday.

Taliyaha ururka saddexaad Dhamme  Cali Cageey oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka  howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen Tuula Xaaji, ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay  furteen Hub iyo saanad ciidan,goobta howlgalka ka dhacayna ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Ciidanka Qaranka qeybahooda kala duwan ayaa maalmihii ugu danbeysay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor