Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo is kaashanaya ayaa la sheegay inay ka hortegeen weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.
Guddoomiyaha deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in weerarka ay kaga hortageen Al-shabaab ay kaga dileen ilaa 5 ruux, halka kuwo kalena ay ka dhaawaceen, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada Gudaha ay magaalada Awdiinle kusoo bandhigeen Meydadka xubnihii la dilay.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galeed ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Baay iyo deegaano kale.