Ciidanka Dowladda oo Qarax lagula eegtay Gobolka Hiiraan

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda FederaalkaSoomaaliya ayaa lagu soow arramayaa in qarax lagula eegtay Gobolka Hiiraan, waxaana wararku ay sheegayaan in qarax kadib uu dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidanka Qaraxa lala eegtay iyo dagaalamayaasha Al-shabaab,

Qaraxa ayaa ahaa Minaada dhulka lagu aaso, waxaana lal beegsaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah Ciidamo ka tirsan qeybta 27aad ee Millateriga Soomaaliya, waxaana ay qaraxu uu ka dhacay degaan lagu magacaabo Buurweyn oo ka tirsan Gobolkaasi Hiiraan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qarax kadib uu billowday dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray Ciidanka qaraxa lala eegtay oo markii hore ka yimid dhanka Buulo-burde iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo qaraxa la beegsaday Ciidanka Socdaalayay.

Waxaa la sheegay in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxa iyo dagaalka toos ah, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa iyo dagaalka  isbar-bar socday, saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Gobolkaasi wax war ah kama soo saarin dagaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media