Ciidanka Dowladda oo mar kale dib ula wareegay Yasooman

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan, ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Yasooman ee Bariga gobolka Hiiraan, kaasi oo ka mid ahaa degaanada ay Ciidanka Dowladdu qabsadeen balse dib uga baxay gacantooda.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Macawislayda oo is kaashanaya ayaa si toos ah ula wareegay degaanka, waxaana ka socda howgallo ballaaran sida saraakiisha hor kacaysa howlgalkaasi ay sheegeen.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya qortay in Yasooman ay kamid tahay deegaanadii dhawaan ciidanku dowladdu kasoo baxeen, taasoo saraakiisha ciidanku ku sheegeen xeelad dagaal.

Ciidamada ayaa haatan baaris iyo miino saar ka wada gudaha magaalada.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor