Ciidanka Dowladda oo Howlgallo ka sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa xalay Howlgallo kala duwan waxaa ay kasameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana si gaar ah ay xalay howlgaladaasi uga dheceen Degmooyinka Wartanabadda iyo Degmada Hodan ee Gobolkani Banaadir.

Howlgal qorsheysan ayay Ciidanka Xalay ka sameeyeen Degmada Wartanabadda, waxaana xalay la arkayay Ciidanka oo guri-guri u baaraya guryo ku yaalla Degmada, dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegen in ay arkayeen Ciidankaa oo dhowr guri oo ku yaalla Wartanabadda kasameynaya Baaritaanno.

Sidoo kale Ciidanka ayaa baaritaanno ku sameynayay dadka degaanka, gaar ahaan waxaa ay baarayeen dhalinyarada iyo guud ahaan dadka soconayay waddooyinka, waxaana goobjoogayaal ay intaas ku dareen in ay arkayeen Ciidanka oo dadka su’aalo weydiinaya.

Dhanka kale Ciidanka Dowladda ayaa howgallo ka sameeyay Degmada Hodan ee Gobolkaani Banaadir, waxaana la arkayay dhalinyaro badan oo lagu soo qabtay intii uu socday howlgalku, waxaana la sheegay in Qorshaha howlgalkaasi uu ahaa mid lagu baacsanayay kooxa dhaca u gaysta dadka shacabka ah ee degmada Hodan.

Ciidanka ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay xaafado ku teedsan KPP ilaa isgoyska bakaaraha,iyada oo meel banaan ah isugu keenay dhalinyaro iyo motooyin si gaar ah looga shaki qabo in horay ay uga qeyb qabten dhac ka soconayay mudooyinkii dambe caasimada.

wali laamaha ammaanka ee gobolka wax war ah kama soo saarin howlgalada xaaly ay ka sameeyeen degmooyinka degmooyinka Gobolka, mana jirto faah faahin intaaa dheer oo laga helay howlgaladdaani.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor