Ciidanka Dowladda oo howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyey Buurta dacaarow

Ciidanka kummaandooska Gor-gor ee xoogga dalka iyo kooxda Macwiisleyda ah oo iskaashanaya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada kummaandooska Gor-gor iyo Macwiisleyda ayaa howlgalka si wadajir ah uga fuliyey dhulka Buuraleeyda Gobolka Hiiraan gaar ahaan Buurta dacaarow oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab,

Saraakiil ka tirsan  Ciidanka hoggaaminayay howlgalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in howlgalka inta uu socday lagu dilay lix xubnood oo kamid ahaa Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanada laga howlgalay, waa sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaas kusii daray hadalkooda in howlgalka lagu soo furtay boqolaal xoolo ah oo ay heysteen Shabaabka, Al-shabaab ayaa weli ka hadlay howlgalkaan la sheegay in khasaaro lagu gaarsiiyey.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan ku yaalla duleedka Maxaas iyo degmooyin kale ka socday howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor