Ciidamada kumaandooska DANAB ee xoogga dalka oo ay weheliyaan Ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabadsugida ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.
Intii hawlgalku socday ayey ciidamada ku burburiyeen goobo dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaank Buur-qaylo, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ay fuliyeen Ciidamada.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada DANAB iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa intaas kusii daray in howlgalka Al-shabaab looga dilay afar xubnood oo ka tirsanaa, halka lix kalena dhaawacyo soo gaareen, waa sida hadalka looga dhigay.
Ujeedka howlgalkaan Ciidamada kumaandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Maamulka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu ahaa mid lagu doonayey in lagu xaqiijiyo amniga deegaanada Gobolkaas.
Si kastaba Ciidamada Dowladda ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab uga fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo qeybo kamid ah ay ku sugan yihiin Al-shabaab.