Ciidanka Booliska oo xalay howlgalo ka sameeyay Degmooyin ka tirsan G/Banaadir

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay aheyd howlgalo saacado qaatay waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka Waaberi, Hodan, howlwadaag, Warta-nabadda iyo Heliwaa ee Gobolkaan Banaadir.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalada intooda badan ka sameeyay waddooyinka laamiga, iyagoona baaritaano kala duwan ku sameeynayey gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee istcmaalayay wadada, sidoo kalena su’aalo la xiriira amniga weydiinayey shacabka.

Howlgalada oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Muqdisho oo maalmahan u muuqda mid faraha kasii baxaya.

Saraakiisha Booliska ayaa intaas kusii daray in howlgalada lagu sugayo amniga Caasimadda ay sii socon doonaan, si looga hortego falalka amni darro ee isugu jira qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee xiliyada qaarkood ka dhaca Muqdisho.

Howlgalada ay fuliyeen Ciidanka ayaa kusoo aaday, iyada oo maalmihii dambe Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo Is-miidaamin ah oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaraxii ugu dambeeyay ee uu fuliyey qof is-miidaamiye uu shalay ka dhacay degmada Wadajir, kaasi oo ay ku dhinteen 4 qof oo isugu jiray Askar iyo shacab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor