Ciidanka Booliska oo toogasho ku dilay Rag dil ka geystay xaafad ka tirsan Baladweyne

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo ku hubeysan Bastoolado oo fiidnimadii xalay xaafadda howlwadaag ee Magaalada Baladweyne ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska dowla Goboleedka Hirshabeelle oo ka howlgalayey halkaas.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray laba xiddigle Axmed Xasan Biriq oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Baladweyne, isla markaana waxaa la toogtay, xili uu ku sugnaa xaafadda howlwadaag ee Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dableydii dishay Sarkaalka ayaa markii uu dhacay falka goobta ka baxsatay, balse howlgal Ciidanka ammaanka ay sameeyeen ayey kusoo dileen laba ruux oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii xalay loo geystay Axmed Xasan oo ahaa Sarkaal Boolis.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamada Baladweyne sidoo kale gacanta ay kusoo dhigeen saddex ruux kale oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka Sarkaalka, kuwaasi oo ay baaritaano kala duwan ku wadaan Ciidanka Booliska.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa hore marar kala duwan uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Askar, Saraakiil Ciidan iyo Nabaddoono, iyadoona dhawaan Magaaladaas lagu dilay Nabaddoon caan ka ahaa Gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor