Ciidanka Amniga oo gacanta kusoo dhigay Nin dil ka geystay Magaalada Muqdisho

Ciidanka qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay xalay fiidkii ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxay kusoo qabtay Nin lagu eedeeyay inuu dil bareer ah u geystay qof shacab ah.

Taliska Booliska Gobolka oo Qoraal kusoo qoray bartooda gaarka ah ee Facebook ayaa waxa ay ku sheegeen in gacanta lagu soo dhigay nin lagu magacaabo Yuusuf Axmed Maxamuud oo dilay Nin kale oo lagu magacaabi jiray Maxamed Daahir Cabdulle.

Taliska ayaa tilmaamay inay baaritaano ku wadaan Yuusuf Axmed oo ku doonayaan inay ku ogaadan sababta keentay in Yuusuf dil u geysto marxuum Maxamed daahir, iyagoona intaas kusii faray in sharciga la horgeyn doono eedeysanaha.

“27/4/2023 Abaaro 9:30 pm fiidnimo Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Yaaqshiid waxeey gacanta ku soodhigeen eedeysane Yuusuf Axmed Maxamuud oo dilay Marxuum  Maxamed Daahir Cabdulle, axaana la horgeyndoonaa cadaalada” ayaa lagu yiri Qoraalka

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal ay geystaan dad hubeysan, dilka marxuum Maxamed Daahir Cabdulle ayaana waxa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor