Ciidanka AMISOM oo Maanta Qarax Lagula Eegtay Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya maanta oo Jimco ah in ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM qarax Miino lagula eegtay meel u dhow deegaanka Beerxaano ee gobolkaasi.

Kolonyo ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in qarax miino lagula eegtay meel waxyar u jirta deegaanka Beerxaano, kuwaasi oo ka baxay magaalada Baladweyne.

Goobjooge ayaa Radio Dalsan u sheegay in qaraxa uu haleelay gaari ka mid ahaa kolonyada ciidanka Itoobiya oo marayey halkaasi, hayeeshee waxaa la sheegay in wax khasaara ah uusan soo gaarin ciidankaas, marka laga tago burbur soo gaaray gaari ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Xaalada ayaa hada dagan, waxaana laga soo waramayaa in ciidamadii Itoobiya ay isaga huleeleen halkaasi, kadib howlgal ay ka sameeyeen nawaaxig deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media