Ciidamo la wareegay Xarumo ku yaalla Caabudwaaq iyo sababta keentay

Wararka aan ka heleyso Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan halkaas  ay Maanta la  wareegeen Xarumo ku yaalla gudaha Magaaladaas.

Ciidamada oo gaaraya Dhowr iyo todobaatan Askari ayaa la wareegay gacan ku heynta Xarunta Maxkamada Madaniga ee Magaalada Caabudwaaq iyo Saldhiga Booliiska, iyagoona weli ku sugan halkaas.

Sababta ay Ciidanka ka tirsan dowladda ula wareegeen Xarumaha ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay inay ka cabayaan Mushaar la’aan oo muddooyinkii dambe soo wajahday Ciidanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidamadan ay kamid ah yihiin Boqolaal Askar oo la diiwaan-geliyay dhamaanka sanadkii tegay ee 2019, isla markaana sheegay in aysan helin bilii lasoo dhaafay wax Mushaar ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media