Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa qeybo ka mid ah degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir waxa uu dagaal ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceyn Ciidamo ilaalo ka hayay Wadada agmarta Hotelka Oryantel kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay wadadaas maraan iyo ciidamo kale oo isku dayay in ay xoog halkaasi ku maraan.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegen in dagaalkaan uu ahaa mid kooban isla markaana ay ku geeriyoodeen Afar Askari oo ka mid ahaa Ciidamadii doonayay in ay Wadadaas xoog ku maraan oo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida soomaaliya.

Maamulka degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir ayaanan weli ka hadlin dagaalka Galabta ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhexmaray degmada Shibis ee gobolkan Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media