Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa Is rasaaseyn ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.
Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Isku dhaca Ciidamadan ka wada tirsan dowlada Soomaaliya uu halkaasi ka socday ku dhawaad muddo saacad ah.
Dadka goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Is rasaaseynta ay socotay muddo saacad ah,isla markaan goobta uu gaaray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow,balse uu ku guuleysan waaye in uu joojiyo dagaalka.
Ilaa iyo hada lama oga sababtay keentay is rasaaseyntaan maanta ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraa.