Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo lagu weeraray Magaalo Xeebeedka lamu

Ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya ayaa la sheegay in lagu qaaday weerar dhabo-gal ah xili ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa deegaanada Wittu iyo Gamba oo ka tirsan Magaalo Xeebeedka Lamu.

Ciidamadaan oo ka tirsan booliiska Kenya ayaa la sheegay in weerarka kadib uu halkaasi ka dhacay dagaal dhex maray iyaga raggii soo weeraray oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

Warar ay ku qoreen Al-Shabaab Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku Gubeen Saddex Gaari oo ay ciidamadaas wateen isla markaana khasaaro kale ay gaarsiiyeen.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weerarkaas wax ay ku sheegeen in ay ku dhinteen laba ka mid ah ciidamadii Wadada loo galay ee Kenya halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Sikastaba tiro ka dhowr jeer ayaa weeraro noocan oo kale ah ay ka dhaceyn Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya,kaas oo ay masuuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab, welina Saraakiisha ciidamada Kenya kama hadlin weerarkii Galabta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media