Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa saakay sameeyay gadood Ciidan, iyagoo ka cabanaya sharuudo ay saareen Guddiga dib u habeynta ciidamada ee ku wajahan tirokoobka oo laga tagayo Agoomaha, Hubka oo laga dhigayo iyo Saraakiisha howlgabka ah.
Ciidamada Puntland ee gadoodka sameeyay ayaa laba Saldhig oo muhiim ah ku leh labada dhinac ee Gaalkacyo, waxaana saakay ay ridayeen hub Culus oo marka hore loo arkayay tijaabo, hayeeshee la ogaaday in uu ahaa gadood Ciidan, iyadoo hubka laga maqlayay Magaalada.
Dad ku sugan Gaalkacyo ayaa soo weriyay in Ciidamada ay xirteen wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, waxaana halkaas lagu arkayay gaadiidka nooca dagaalka oo lagu xiray.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Guddiga dibu habeynta ciidamada Puntland oo ay uga hadlayaan gadoodkii ay sameeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ee ku sugan Gaalkacyo.