Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ee Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay maandooriyeyaal farabadan oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas.
Ciidanka Booliska ayaa Maanta goob fagaare ah oo ku taalla Boosaaso ku burburiyay maandooriyeyaasha oo isugu jiray dhalooyin khamri ah, xashiish iyo waxyaabo kale, waxaana halkaas ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Puntland.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in maandooriyaha ay gacanta ku dhigeen Ciidanka amniga, xili la doonayay in la geliyo Boosaaso, laguna soo qariyay gaari.
Sidoo kale G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay Ciidanka Puntland oo uu tilmaamay inay dadaal ku bixiyeen ka hortega maandooriyaha, isagoona shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga Gobolka Bari.
Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer gacanta ku dhigay maandooriyeyaal farabadan, waxaana xusid mudan in dagaalo ay dhexmareen Ciidanka iyo rag hubeysan oo ka ganacsanaayay maandooriyaha.