Ciidamo badan oo lagu daadiyay Waddooyinka Magaalada Baladweyne

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay howlgalo kala duwan ka wada xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Ciidamada amniga dowladda ayaa howlgalka ka wada xaafaddo gaar ah oo bartilmaameed ah, iyagoona baaritaano ku saameynaya gaadiidka kala duwan ee isticmaalaya waddooyinka.

Dad ku dhow 10 ruux oo u badan dhalinyaro ayaa lagu soo qabtay howlgalka, kuwaasi oo qaarkood la geeyay Saldhiga Booliska Baladweyne, iyagoona laamaha amniga ay ku wadaan baaritaano kaal duwan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka howlgalka wada ayaa laga soo xigtay in ujeedka saakay howlgalkaas Baladweyne uga socda uu yahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga, si looga hortego falal amni darro oo dhaca.

Sidoo kale Ciidanka dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa xiray waddooyinka Magaalada Baladweyne, isla markaana waxaa lagu soo daadiyay Ciidamo badan oo isugu jira Nabadsugid iyo Booliska, kuwaasi oo joojiyay gaadiidka.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dad careysan ay xalay xirteen wadada isku xirta Magaalada iyo Garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf, isla markaana waxaa halkaas lagu jaray dhagxaan iyo birro, wallow saakay Ciidamada ay ka qaadeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media