Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan soo gaaray Ciidamo ka socda dalka Nigeria, kuwaasi oo kamid noqonaya Booliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamadan soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa dalka Nigeria loogu soo Gaba-gabeeyay tababar Cusub oo la xiriira shaqada Ciidanka Booliska AMISOM iyo Arrimo ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Ciidanka oo tirro ahaan gaaraya ilaa iyo 130 Askari ayaa ka howlgeli doona Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa ay ka shaqeyn doonaan Arrimaha Doorashada la filayo in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo sanadkan 2020/2021.
Ciidanka ka socda dalka Nigeria ayaa qorshahu yahay in Muqdisho ay ka howlgan muddo sanad ah, kuwaasi oo la shaqeyn doona Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyagoona iska kaashan doona Arrimaha Doorashada Madaxweynaha iyo mid Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Booliska AMISOM ayaa waxaa uu Ciidamadan Cusub kula dardaarmay inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee Magaalada Muqdisho loo keenay, isla markaana ilaaliyan Xeerka u yaalla dalka.