Ciidamadda Asluubta Soomaaliya oo Maanta U Dabaal Degaya 45 Sanno Guuradooda

Ciidamadda Asluubta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta u dabaal degaya Sanad Guuradooda 45 aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay.

Munaasabad weyn oo lagu xusayo Maalintan ayaa Maanta ka dhaceysa Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Saldhiga Ciidamadda Asluubta waxana ka qeybgali doona Madaxda Dalka.

Wariyaha Radio Dalsan Cabdiwaxiid Cabdullahi Daahir ayaa ku sugan Xarunta imminka ay ka socoto Munaasabadda oo soo gudbin doona wararka halkasi ka soo baxa iyo nuxurka qudbadaha halkasi ay ka jeediyaan Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Sido kale waxa ay ka dhacayaan Munaasabado kuwan la mid ah dhamaan Gobolada Dalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor