CiidamadaTalyaaniga oo badbaadiyay 1,300 oo muhaajiriin ah

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegaya iney badbaadiyen dad kor u dhaafaya 1,300 oo muhaajiriin ah oo ku safrayay badda Mediterreanka seddexdii cisho ee la soo dhaafay.

Ku dhawaad 11 howl oo lagu baadi goobayay dadka ku xaniban gudaha badda ayaa lagu soo badbaadiyay dadkasi sida ciidamada ay sheegen.

Laba kun oo muhaajiriin ah ayaa sido kale la badbaadiyay maalintii Khamiista ee toddobaadkii hore kadib markii ciidamada ay u gurmaden 15 doon oo si kale duwan u socdaalayay.

Sanadkan oo kaliya in ka badan 50,000 oo muhaajiriina ah ayaa gaaray wadanka Talyaaniga sida laga soo xigtay wasaaarada arrimaha gudaha dalkasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor