Ciidamada Xoogga oo AMISOM kala wareegayo qorshaha Amniga Dalka

Shir labo maalmood uga socdey Taliska Ciidanka AMISOM iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa la isku afgartey oo ku soo gabagaboobey in taliska Ciidamada xoogga dalka lagu wareejiyo hogaaminta Qorshaha Howlgalada Amniga Dalka lagu sugaayo, si hore loogu socdo.
Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo Midoowga Afrika ayaa ku heshiiyay in joogitaanka Ciidamada AMISOM lagu daro ilaa bisha December 2021 balse hogaaminta qorshaha amniga Dalka lagu wareejiyo Dowlada Federaalka iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka islamarkaana Ciidamada AMiSOM ee Dalka jooga ay ka wada Amarqataan Dowlada Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Gashaandhiga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku booriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan ay noqdaan kuwa laga miro dhaliyay oo aysan qoraal ku koobneyn.

“Waxaa loo baahanyahay qorshaan inuu noqdo miro dhal si dalka looga saaro argagixisada dhibaatooyinka ku haya shacabka waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqeyno”

Dhankooda hogaanka ciidamada amison ayaa soo dhaweeyay waxaana ay sheegeen inay xoojinayaan howl-galada ka dhanka ah waxa ay ugu yeeraan argagixisada oo qeyb-ka ah waxyaabaha loo ekmday, waa sida uu hadalka u dhigaye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor