Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay deegaano horleh

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka Xoogga Dalka ay howlgal military kula wareegeen deegaanka Moqo-kori ee gobolkaasi,halkaasi oo maamulayeen Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weerar qorsheysan ku qaaday deegaankaasi Moqo-kori oo qiyaas ahaantii 40 KM u jira degmada Maxaas ee gobolka hiiraan.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaasi ayaan weli sirasmi ah u soo bandhigin qasaaraha ka dhashay howlgalkaasi,balse howlgal kan lamid ah oo dhawaan lagu qaaday isla deegaankaasi ayaa sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac,iyadoo sidoo kale laga soo furtay hub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor