Ciidamada Puntland oo dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka wada deegaano

Wararka saakay aan ka heleyno Gobolka Bari gaar ahaan dhulka Buuraleyda ah ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Daraawiishta, kumaandooska iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee PSF Maamulka Puntland ay halkaas ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan.

Ciidamada Puntland ayaa sigaar dhaq-dhaqaaqyada ciidan uga wadaan deegaanada Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad ee Bari oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay inay doonayaan inay howlgalo qorsheysan fuliyaan, kadib markii maalmo kahor Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Dad ku sugan deegaano ku dhow Buuraleyda Calmadow ayaa ku warramay inay sheeda kore ka arkayeen Ciidamo hubeysan oo wada gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana kusii jeeda dhulka buuraleyda  ee Gobolka Bari.

Dhinaca kale saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka sida gaarka u tababaran ee PSF Puntland ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijiyay ka sameeyay gudaha Magaalada Boosaaso, iyagoona la sheegay inay ku qabteen dad looga shakiyay falal amni darro.

Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso, iyagoona halkaas kala baxay maxaabiis badan oo ku xirnaa, sida ay sheegteen, waxaana Maamulka Puntland dhankiisa uu tilmaamay inay dib u soo celiyeen maxaabiista.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor