Ciidamada Puntland oo dad badan ku xiray magaalada Gaalkacyo

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo Cali Diini ayaa sheegay in ciidamada ay soo qab qabten dad badan oo dhibaato ku hayay bulshada halkasi ku nool.

Waxa uu sheegay in dadka la xiray ay kamid yihiin,kuwa dadka dhici jiray iyo qaar kale oo gacan ku dhiiglayaal ah.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray dhamaan dadkasi cadaalada la hor keeni doono,si wax badan amniga loo qabto.

Cali Diini ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo iney laamaha amniga gaar ahaan booliska ay la wadagan dhibaatooyinka iyo xogaha ay helan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor